Guardiola oo ka hadlay xaallada dhaawaca Agüero & xilliga uu dib ugu soo laabanayo garoomada

0
198

(Manchester) 19 Sebt 2020. Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa sheegay in ciyaaryahanka reer Argentina ee Sergio Aguero ay macquul tahay inuu maqnaado labada bilood ugu horreysa ee xilli ciyaareedka cusub.

Sergio Aguero ayaa wax kulan ah kala qeyb galin kooxda Manchester City tan iyo bishii June ee la soo dhaafay, kaddib markii uu dhaawac ka soo gaaray Jilibka, wuxuuna maray qaliin, isagoo seegay kulamadii kaga harsanaa kooxdiisa horyaalka Premier League iyo tartanka Champions League.

Shabakada “Goal” ayaa shaacisay wareysi uu bixiyay tababare Pep Guardiola kahor kulanka ay Isniinta la ciyaarayaan kooxda Wolverhampton, wuxuuna yiri:

“Waan ogeyn in dhaawaca uu ahaa mid adag, wuxuu wadaa howl, laga yaabee bil ama labo bil kaddib inuu diyaar noqdo”.

“Waa inuu ku soo laabtaa garoonka oo uu soo celiyaa xaaladiisii ​​jireed”.

“Aguero waxa uu maqnaa muddo dheer mana ahan ciyaaryahan si dhaqso leh ugu soo laabanaya xaaladiisa jir ahaaneed, sidaas darteed waxaan u maleynayaa inuu diyaar noqon doono bil ama labo bil kaddib”.

Si kastaba ha noqotee, Manchester City ayaa isku diyaarneysa kulanka ay habeenka Isniinta booqan doonto kooxda Wolverhampton, kaasoo ka tirsan kulamada isbuuca labaad ee horyaalka Premier League.

Gool FM.