(Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wafdi uu hoggaaminayo wasiir ku xigeenka wasaaradda Arrimaha dibadda Isaaq Maxamuud Mursal ayaa kulamo la leh jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koofur Afrika si ay u dhageystaan dhibaatooyinka dalkaasi ku heysta.
Xildhibaan Aweys Maxamed Cumar oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka ayaa sheegay inay la kulmeen jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka koonfur Afrika, Madaxda safaaradda Soomaaliyeed ee dalkaas, isla markaana ay kala hadleen dhibaatooyinka heysta.
Wuxuu sheegay in maalmihii la soo dhaafay ay jireen dhibaatooyin lagu haayay Soomaalida, sida in qaar badan oo kamid ah Goobahooda Ganacsiga laga xiray kuwo kalena lagu amray inay xiraan oo ka guuraan.
Dalka Koonfur Afrika ayaa 10-sano ee la soo dhaafay waxaa aad loogu dhibaateeynayay Soomaalida, iyada oo lagu dilay Dhalinyaro Soomaaliyeed oo aad u farabadan halka kuwo kale hantidooda la boobay.