Goobaha lagu iibiyo dharka dhalinyarada oo ku soo badanayo Degmada Dhoobley.

0
236

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose oo ah magaalo xuduudeed ayaa waayadii danbe waxaa ku soo badanayay hirgalinta goobo ganacsi oo cusub kuwaas oo dhalinyarada Dagmada ay door muhiim ah ka qadanayeen hirgaligalinta qeybo kamid ah goobaha ganacsi ee ku yaala magaalada.

Qaybo kamid ah suuqyada Magalada ayaa laga hirgaliyay goobo lagu gado dharka dhalinyarada, Ganacsigan Cusub ayaa ah mid qeyb libaaxle ka qaadanaya Kor u qaadista Horumarinta Dhaqaalaha Degmada.

Hadaba Waxaan waraysi la yeelanay Qaar kamid ah dhalinyarada hirgaliyay goobahaasi ganacsi kuwaas oo aan  ka waraysanay wax ku dhaliyay inay magaalada ka hirgaliyaan gobo dhalinyarada u gaar ah kuwaas oo lagu iibiyo dharka dhalinyarada.

Dhalinyarada oo ah lafdhabarta bulshada ayaa waxay door muuqda ka qaataan dib u dhiska dalka iyo hormarinta arimaha bulshada taasi oo muhiim u ah dalka iyo dadka soomaaliyeed.

Fardowsa Axmed Cabdi. ayaa warbixintan ku eegeysa