Gaza oo sahay gargaar la geeyay kaddib saddex maalmood oo dib u dhac ah

0
35

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)- Gawaari Xamuul ah oo ka badan 90 kuwaas oo siday gargaarka bani’aadannimo ayey la wareegeen koox Qaramada Midoobay ka tirsan oo ku sugan gudaha Gaza saddex maalin kaddib markii Israel ay dabcisay xanibaaada 11-ka usbuuc socotay.

Gargaarka oo ka kooban bur, cuntada carruurta iyo qalab daawo waxaa habeenkii Arbacada laga soo qaaday albaabka Kerem Shalom iyadoo la geeyay baqaaradii lagu qeybin lahaa. Muuqaalada goobta laga qaaday ayaa muujinaya foorno rooti ka sameyneysa qaar ka mid ah burka la keenay.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in dib u dhaca uu ka yimid hubaal la’aanta ka jirtay halka kaliya ee laga soogalo magaalada taas oo militeriga Israel ay ogolaadeen.

Israel waxay sheegtay in ay ogolaadeen 100 gawaarida xamuulka oo dheeri ah in ay ka gudbaan Kerem Shalom.