Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Halyeeygii Manchester United Gary Neville ayaa sheegay in Arsenal aysan u baahnayn inay gaarto 90 ama 100 dhibcood si ay ugu guuleysato horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan, isaga oo ku tilmaamay kooxda Mikel Arteta kuwa ugu cadcad hanashada koobka.
Arsenal ayaa hadda afar dhibcood ku haysa hoggaanka kala sarreynta kaddib markii ay Axaddii 1-0 kaga adkaadeen Crystal Palace. Kooxdu waxay sidoo kale toddobo dhibcood ka sarreysaa Liverpool, halka ay lix dhibcood ka horreyso Manchester City.
Neville oo ka hadlay barnaamijkiisa podcast-ka ayaa yiri:
“Tani waa in ay noqotaa sannadkooda. Waa xilli ciyaareedkii afaraad oo isku xigta oo aan saadaalinayo in Arsenal ay horyaalka qaadi karaan. Ma aha in ay si cajiib ah uga sarreeyaan kooxaha kale; waxa kaliya ee ay u baahan yihiin waa joogteyn iyo in aaney lumin xasilloonidooda.”
Wuxuu intaas ku daray in heerka dhibcaha lagu qaadanayo horyaalka xilli ciyaareedkan aanu sare u kici doonin:
“Ma aha inay gaaraan 100 dhibcood. Xitaa 90 ama 95 uma baahna. Waxaan aaminsanahay in 80 ilaa 82 dhibcood ay ku filnaan doonto si ay horyaalka u qaadaan.”
Arsenal ayaa kulankeeda xiga Premier League booqan doonta Burnley, iyagoo doonaya inay sii xoojiyaan hoggaankooda horyaalka.






