Gael Cliche: “Arsenal Way Ku Qaldaneyd Saxiixa Gyökeres”

0
40

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Daaficii hore ee Arsenal, Gael Clichy, ayaa sheegay in qaar ka mid ah taageerayaasha Gunners ay filayeen in kooxdu keento Alexander Isak halkii ay ka saxiixan lahaayeen Viktor Gyökeres intii lagu jiray suuqa xagaaga.

Inkasta oo Isak lala xiriiriyay Arsenal, haddana wuxuu ugu dambeyn ku biiray Liverpool isagoo noqday saxiix taariikhi ah oo rikoor cusub u dhigay suuqa Britain. Arsenal waxay booskiisa dooratay Gyökeres, kaasoo lagu soo iibsaday £64m, iyadoo uu maamulayay baadi-goobkiisa tababare Mikel Arteta iyo agaasimaha ciyaaraha Andrea Berta.

Clichy ayaa yiri:

“Ma isaga ayaa ahaa ciyaaryahanka ay taageerayaasha Arsenal doonayeen? Anigu taas ma rumaysni. Waxaan aragnay Isak oo lala xiriirinayo Arsenal, waxaana hubaa in koox kasta oo Yurub ah ay jeclaan lahayd iney hesho, laakiin waa in Gyökeres lagu ammaano rikoorka fiican ee uu ka sameeyay Portugal.”

“Isagu ma aha ciyaaryahan caadi ahaan ku habboon qaabka Arsenal, waa weeraryahan qaab ciyaareedkiisu qadiimi yahay, balse sidoo kale waa wax aysan hore u lahayn.”

Clichy ayaa intaas ku daray:

“Waxay ila tahay in Arteta uu doonayo in garbihiisa sida Eberechi Eze iyo Bukayo Saka ay hal-hal ula ciyaaraan daafacyada garabka, kadibna kubbadaha kusoo gaarsiiyaan Gyokeres sidaas. Haddii garabku sidaas sameeyaan, kooxaha ka soo horjeeda waa inay labanlaabaan daafacyadooda, taasoo boos u baneynaysa Gyökeres. Shaki kama qabo inuu heli doono fursado oo uu goolal dhalin doono, balse su’aasha weyn waa sida ugu dhakhsaha badan ee uu ula qabsan karo Premier League.”