Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Maamulaka Degmada Buur-Hakaba ayaa waxa uu mudooyinkan dambe waday dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha sida Garoonka diyaaradaha Wadooyinka Buundooyinka iyo Goobaha danta guud ee Bulshada loogu adeego islamarkaana lagu fududeeyo isku socodka dadka iyo Baabuurta.
Waxaa Hada dib udhis ka socda Wadooyinka kala duwan ee dhaxmara Magaalada Gudaheeda kuwaasi oo markii hore Shacabka iyo Gaadiidleyda ay dhibaata badan ku qabeen islamarkaana caqabad ku ahayd Horumarka Magaalada maadaama Kaabaayaasha Degmada Buur-Hakaba mudo ka badan Sodon sano aysan helin wax dayactir ah.
Naxwo Axmed Kadiye.ayaa fah-faahineysa






