Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Hoggaamiyayaasha waddamada horey uga maray dhaqaalaha ee G7 ayaa shalay ku dhowaaqay mashaariic ku kacaysa adduun dhan 600 bilyan oo dollar oo ah maalgashi iyo kaabayaasha dhaqaalaha dunida, waxaana ashaariicdaasi ka mid ah kuwo dhinaca tamarta ah oo laga hirgelinayo dalka Angola, iyo xarigga internetka xawaaraha dheereeya oo isku xiraya SIngaboor iyo Faransiiska balse sidoo kale maraya Masar iyo Geeska Afrika.