Frenkie de Jong oo Si Cad Uga Hor Yimid Go’aan Culus Oo Uu Soo Saaray La liga

0
61

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xiddiga khadka dhexe ee Barcelona, Frenkie de Jong, ayaa si cad uga hor yimid go’aanka La Liga ee ah in kulanka Villarreal iyo Barcelona ee isbuuca 17-aad lagu qabto 20-ka Diseembar garoonka Hard Rock Stadium ee magaalada Miami, Mareykanka.

Isagoo la hadlayay warbaahinta ka hor kulanka isreeb-reebka Koobka Adduunka ee ay Netherlands la ciyaarayso Malta, De Jong ayaa muujiyay sida uu uga soo horjeedo qorshahan.

“Ma jecli inaan halkaas ku ciyaarno, mana ku raacsani La liga arrintaas,” ayuu yiri De Jong isagoo muujiyay caro.

“Tani ma aha mid cadaalad ah. Hadda waxaan ku ciyaaraynaa kulan horyaal ah meel dhexdhexaad. Ma jecli, mana u malaynayo inay sax u tahay ciyaartoyda.”

Xiddiga reer Holland ayaa xusay in inkastoo go’aankan uu leeyahay xiiso ganacsi, haddana ciyaartoyda ay yihiin kuwa ugu badan ee dhibta kala kulmaya safarka dheer iyo xaaladaha adag ee ciyaarta.

Kulankan ayaa noqon doona kii ugu horreeyay ee La Liga oo ka dhaca meel ka baxsan Spain, tallaabo uu maamulka horyaalka ku tilmaamay “istiraatiijiyad lagu ballaarinayo sumcadda caalamiga ah ee La Liga”.

Si kastaba ha ahaatee, De Jong arrintaas si cad uguma raacsana:

“Kooxaha waa ay ka faa’iidi doonaan arrintan, laakiin anigu ma oggoli in kulan horyaal ah lagu ciyaaro Miami. Waxaan ogahay in kooxo kale sidoo kale aysan ku raacsanayn,” ayuu raaciyay.

Tababaraha xulka Netherlands iyo tababarihii hore ee Barcelona, Ronald Koeman, ayaa taageeray mowqifka De Jong, isagoo go’aanka ku tilmaamay “mid aan macno lahayn”.

Koeman ayaa sheegay in go’aannada noocan oo kale ah ay dhaawacayaan ruuxda tartanka isla markaana ay culays badan saarayaan ciyaartoyda.