Xiddigan ayaa la filayaa inuu garoommada ka maqnaado inta ka dhiman xilli ciyaareedkan kaddib dhaawac kasoo gaaray jilibka bidix xilli uu ku jiray tababarka ay xulkiisa qaranka England isugu diyaarinayeen kulankii ay Khamiistii 3-0 kaga adkaadeen dhiggooda Jamhuuriyadda Ireland.
Xiriirka kubadda cagta England ee FA ayaa majaladda Sportsmail u xaqiijiyay in xiriirka FIFA uu bixinayo mushaharka Gomez oo ah 80 kun oo gini toddobaadkii.
Xiriirka kubadda cagta dunida ayaa mushaharka laacibkan bixin doona illaa uu kusoo laabto tababarka buuxa ee Reds, waxaana ay u xisaabin doonaan caymiska maalmaha uu garoommada ka maqan yahay.
Xiddigaha xulka qaranka England ayaa ku naalloonaya barnaamijka difaaca kooxaha ee FIFA (FIFA club protection programme), kaasoo ah caymis ay kooxaha xiddigaha ay ka tirsan yihiin ay kaga kaaftoomaan bixinta mushaharka marka uu ciyaaryahan ku dhaawac kulan rasmi ah, mid saaxiibtinnimo iyo tababarkaba.
Nidaamkan mushaharka ugu badan ee uu sanadkii dabooli karo waa 6.75 milyan oo gini, oo markii loo qeybiyo maalinle ku noqoneysa 18,430 gini maalintii.
Sidaas darteed, Liverpool ayaa FIFA ka heleysa Labo milyan oo gini maadaama Gomez la shaaciyay inuu seegi doono inta harsan xilli ciyaareedkan.