Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Everton.
Daqiiqadii 22-aad kooxda martida loo ahaa ee Everton ayaa loo dhigay rigoore waxaana gool u badelay xiddigooda Gylfi Sigurdsson, waxayna ciyaarta sidaas ku noqotay 1-0 ay ku hoggaamineysay Everton.
Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.
Laakiin ugu dambeyntii dheesha ayaa ku soo idlaatay 1-0 oo ay Everton kaga adkaatay kooxda Chelsea oo marti ugu aheyd Goodison Park, kulan qeyb ka ahaa horyaalka Premier League.
SAWIRRO: