Ekitike Oo Digniin U Diray Manchester United Ka Hor Kulanka Anfield – “Waxaan Muujin Doonnaa Awooddeena!”

0
210

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Weeraryahanka reer France Hugo Ekitike ayaa muujiyay kalsooni iyo niyad sare kadib markii uu dib ugu soo laabtay Liverpool fasaxa caalamiga ah.

Ekitike, oo rajeynaya inuu kusoo bilowdo ciyaarta adag ee Axadda ay Liverpool ku martigelin doonto Manchester United garoonka Anfield, ayaa sheegay inuu aaminsan yahay inuu saameyn weyn ku yeelan karo kulanka.

Wuxuu yiri:

“Waxaan rabaa inaan yeesho xilli ciyaareed weyn. Waxaan rabaa inaan sii wado wixii aan ka qabtay Jarmalka, isla markaana aan noqdo ciyaaryahan muujinaya joogtayn.”

“Waxaan rabaa inaan la guuleysto kooxdan. Waxaan helay waayo-aragnimadaydii ugu horreysay ee xulka France, wax badan ayaa ii furmay, balse waan degganahay.”

“Waxaan leeyahay himilooyin badan, laakiin waan ogahay in aniga iyo kooxda aan si adag u shaqeynno si aan u gaarno horumar.”

Ekitike ayaa durba dhaliyay shan gool 10 kulan oo uu u saftay Liverpool, taasoo ka dhigaysa weeraryahanka cusub ee ugu waxqabadka badan Premier League xilligan.