Duufaan Ku Dhufatay Dalka Oman.

0
176

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Wararka ka imanaya dalka Cumaan ayaa sheegay in dalkaasi ay ku dhufatay duufaan la magac baxday Shaheen taasi oo saamaynteeda maanta si weyn looga dareemay gobollada Masqat iyo koofurta Baadina.

Duufaantya ayaa la sheegay in ay ku lammaanayeen roobab lixaad leh oo ku dhufatay magaalada Muscat ee caasimadda u ah Cumaan.

Hay’adda socdaalka ayaa sheegtay in ay gebi ahaanba hakad gelisay duullimaadyadii ka bixi jiray iyo kuwii iman jiray garoonka Masqat ilaa amar dambe.

Hay’addda birmadka ayaa iyana sheegtay in ay soo badbaadisay 25 qof iyada oo 7 ka mid ahina gargaar caafimaad u fidisay.

Hay’adda xaaladaha degdegga ah ayaa dhankeeda codsatay in korontada laga jaro deegaan ganacsiyeedka caasimadda ee lagu magacaabo Qarm si looga digtoonaado khasaaro ka dhalata korontada.

Badi gobollada dalka Cumaan ayaa xaalad degdeg ah la geliyay duufaannada dalkaasi ka socda awgood.