Duqa Muqdisho oo ku baaqay in loo gurmado dadkii roobabka waxyeeleeyeen

0
195

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa caawa booqday qoysaskii uu saameeyay Roobkii saacadihii lasoo dhaafay ka da’ay magaalada Muqdisho, waxa uuna uga tacsiyadeeyay musiibadii uu geestay roobkii xooganaa ee ka day’ay Caasimadda.

Duqa magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale sheegay in maamulka gobolka Banaadir uu garab taagan yahay qoysaskii uu saameeyay roobka, isagoo dhanka kale ugu baaqay ummadda Soomaaliyeed in ay gurmad deg deg soo gaarsiiyaan dadkii ku waxyeeloobay musiibooyinkii ka dhashay Roobkii saacadihii lasoo dhaafay ka da’ay gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa dhankale kormeer ku tagay qaar kamid waddooyinka magaalada Muqdisho si uu ugu kuurgalo saameynta uu roobka u geestay bilicda Caasimadda iyo isku socodkeeda, waxaa uuna faray waaxda howlaha guud ee dowladda hoose Xamar in ay xoojiyaan howlaha kor loogu qaadayo bilicda, islamarkaana dib loogu furayo waddooyinka ay biya dhigeen Daadadka Roobka.