Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Saddex dublamaasi oo Qatar u dhashay ayaa ku dhintay shil baabuur oo ka dhacay xeebta loo tamashlaha tago ee Sharm el-Sheikh ee dalka Masar, sida ay wakaaladda wararka ee Reuters u sheegeen laba ilo-wareedyo amni.
Labadan ilo ayaa intaa ku daray in laba dublamaasi oo kale ay ku dhaawacmeen shilkaasi.
Dhacdadan ayaa ku soo beegantay hal maalin ka hor inta uusan furmin shir madaxeedka caalamiga ah ee lagu wado in uu maalinta isniin ah ka furmo magaalada Sharmal Sheekh, kaasi oo looga gol leeyahay in lagu ansixiyo heshiiska ugu dambeeya ee lagu soo afjarayo dagaalka ka socda Marinka Gaza.