Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Beeraha Iyo Waraabka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Asad Cabdirisaaq Maxamed oo hoggaamiya wafdiga ka socday Soomaaliya ayaa ka qeyb galay Kulanka 9aad ee Guddiga Farsamo iyo Wasiirrada ee COMESA, kaasoo looga hadlayay Beeraha, Deegaanka, iyo Kheyraadka Dabiiciga ah
Kulankan heerkiisu sarreeyo oo ka dhacay magaalada Lusaka, Zambia, wuxuu xambaarsanaa arrimo muhiim ah oo ku saleysan dardargelinta Is dhexgal Goboleedka iyada oo loo marayo
Horumarinta Silsiladaha Qiimaha ee Cimilada u Adkaysiga Beeraha, Macdanta iyo Dalxiiska.
Wasiiru-Dowlaha ayaa khudbaddiisa kaga hadlay muhiimadda ay leedahay in si mideysan, hal-abuur leh loogu wajaho horumarinta beeraha iyo isbedelka Cimiladda isagoo xusay in soomaaliya hiigsaneyso koboc dhan 10–15% ee wax soosaarka beeraha marka la gaaro 2029.
• Yaraynta cunno yarida 12% iyo saboolnimada 10%.
• Ka faa’iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah sida dhulkabeereed, biyaha hoostooda, xeebaha dhaadheer iyo xoolaha nool wuxuu hoosta ka xariiqay fursadaha ballaaran ee ku jira dhaqaalaha badda (Blue Economy), gaar ahaan kalluumeysiga iyo marin-u-helidda suuqyada caalamiga ah, isagoo xusay in Soomaaliya leedahay xeebta ugu dheer Afrika – 3,333km.
Wasiirka wuxuu baaq u diray dalalka COMESA iyo la-hawlgalayaasha horumarineed in:
• La dardargeliyo isticmaalka tiknoolajiyada dijitaalka ah iyo hababka beeraha ee cimilada u adkaysan kara.
• La ballaariyo waraabka iyo kaabeyaasha dhaqaalaha miyiga.
• La dhaqan geliyo istiraatijiyadda Kampala ee CAADP siloo taageero beeraleyda yaryar.
• La xoojiyo ka-qaybgalka ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo shaqo abuurka dhalinyarada.
“Guusheenu kuma xirna keliya tayada dukumiintiyada aan diyaarinno, balse waxay ka muuqan doontaa isbeddelka dhabta ah ee dhulka beeraleyda, suuqyada, iyo bulshada dhexdeeda.”ayuu yiri wasiir Asad.