Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Tobaneeyo Gaadiidka waa weyn ee Cagafcagafyada ayaa waxay ka gudbeen Macbarka Rafax, si ay gacan uga haystaan Dib-u-dhiska dhismooyinkii ku burburay dagaalkii XAMAAS iyo Israel ku dhex maray Qasa.
Injineerada iyo shaqaalaha Dhismaha ee Masar ayaa iyagana gaaray Qasa, si ay u dejiyaan Naqshadaha Dib-u-dhiska ee dhismayaasha ay Diyaaradaha Dagaalka Israel baabi’iyeen.
Kolonyo Gadiidka Dhismaha oo uu Calanka Masaarida ka dul babanayo ayaa ka gudbay Macbarka Rafax, si ay u bilaabaan Dib-u-dhiska Qasa iyo Guud ahaan Deegaanada Marinka Qasa ee uu sameeyey burburka baahsan.
Shirkadda Dhismaha ee Milliteriga Masaarida ayaana la siiyey Qandaraadka Dib-u-dhiskaasi, iyadoo Madaxweyne C/Fataax El-sissi uu 5 million oo Dollar ugu deeqaday Dib-u-dhiska Qasa.