Dowladda Finland oo shaacisay inay kordhineyso taageerada Soomaaliya

0
213

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisaciid Muuse Cali ayaa khadka telefoonka wada hadal kula yeeshay dhiggiisa Arrimaha Dibadda ee Dalka Finland Mudane Pekka Haavisto.

Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dheef-wadaagga ah ee ka dhexeeya Labada Dal, isaga oo Wasiir Cabdisaciid Muuse Cali uga mahad celiyey Dowladda Finland taageerada ay u fidiso Soomaaliya.

Dhankiisa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dalka Finland Mudane Pekka Haavisto ayaa sheegay in dowladiisu ay kordhin doonto taageerada ay siiso Soomaaliya lana dardar gelin doono.

Dowladda Finland ayaa waxaa ay kamid tahay dowlaha Caawiya Soomaaliya, waxana dhowr jeer ay ku baaqday in la dhameystiro doorashooyinka Soomaaliya.