Dowladda Australia oo soo jeedisay in la ganaaxo baraha bulshada ee carruurta u oggolaada in ay isticmaalaan

0
49

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Dowladda Australia ayaa baarlamanka u gudbisay soo jeedin ah in ganaax lacageed oo gaaraya ilaa 32.5 milyan oo doollar la saaro baraha bulshada sida X, TikTok, Facebook iyo Instagram haddii aynan u hoggaansamin amarkii lagu mamnuucay in barahan ay adeegsadaan carruurta ay da’doodu ka hooseyso 16 sano.

Waxaa hindise sharciyeedka arrinkan ku aaddan ee baarlamaanka loo gudbiyay ka hadashay wasiiradda isgaarsiinta ee Australia Michelle Rowland.

Wasiiradda ayaa tilmaantay in shirkadaha barahan leh ay mas’uuliyad ka saaran tahay in carruurta laga badbaadiyo saameynta ka soo gaarto horumarka tiknolojiyadeed.

Waxay intaasi ku dartay in saddex meelood labo meel carruurta ay da’doodu u dhexeysa 14 ilaa 17 sano ee ku nool Australia ay baraha online-ka ah ka daawadeen waxyaabo dhibaato ku ah sida isticmaalka maandooriyaha iyo is-dilka.

Marka la meel mariyo ka dib, shirkadaha baraha bulshada ayaa haysta hal sano oo ay ku dhaqangelinayaan xaddiidadda ku saleysan da’da.
Hindise sharciyeedka waxaa uu qeexaya in aan la oran karin waalidka ayaa canuggiisa u fasaxay adeegsida barahan.