Doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka oo Maanta dhaceysa

0
221

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Guddiga hirgwlinta doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Koonfur Galbeed ayaa Maanta oo Khamiis ah Magaalada Baydhabo ku qabanaya doorashada lix kamid ah kuraasta Holaha Shacabka.

Guddiga ayaa shalay diiwaangeliyay 12 musharrax ooa filayo inay lixda kursi ku tartamaan kadib markii ay shuruudohii buuxiyeen, waxaana kuraasta doorashadooda Maanta Magaalada Baydhabo lagu qabanayo & Musharrixiinta ku tartami doona ay kala yihiin.

1: Kursiga Koowaad ee Hop#050 oo uu horay ugu fadhiyay Wasiirka shaqada & Arrimaha Bulshada Soomaaliya Cabduwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa waxaa ku tartami doona Axmed Nuur Sheekh Maxamed Lohos iyo Maxamed Ibraahim Aadan.

2: Kursiga labaad ee Hop#275, oo uu hadda ku fadhiyo Sheekh Shaacir Sheekh Maxamed Xasan ayaa waxaa ku tartami doona Musharrax Xildhibaan Cabdisitaar Cali Xasan & Ismaaciil Ciid Maxamee.

3: kursiga saddexaad ee Hop#183  oo uu horay ugu fadhiyay Sandheere Maxamed Iftin balse meesha laga saaray ayaa Maanta waxaa ku tartamaya Musharrax Xildhibaan Muqtaar Maxamed Guuleed &  Xuseen Cali Aadan.

4: Kursiga Afaraad ee Hop#230 oo uu hadda ku fadhiyo Pro, Cabdiraxmaan Aadan Ibraahim (IBBI) ayaa waxaa ku tartamaya musharrixiinta kala ah Cabdi Cali Cumar iyo Jaamac Taqal Cabaas.

5: Kursiga Shanaad ee Hop#253 ayaa waxaa loo diiwaangeliyay inay ku tartamaan Aadan Maxamed Cali iyo Cabduqaadir Ibraahim Bulle, waxana kursigaan horay ugu fadhisay Samra Ibraahim Cumar.

6: Kursiga lixaad ee Hop#18 oo uu horay ugu fadhiyay Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Xasan Cali Maxamed Amar-dambe ayaa waxaa loo diiwaangeliyay inay ku tartamaan Cabdullaahi Maxamed Cali & Bille Xasan Cabdi.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa wada dardar gelinta doorashada Golaha Shacabka, waxaana Maanta hadii uu qabto doorashada lixda Kursi u hari doona kaliya 13 Kursi, kuwaas oo doorashadooda lagu qabanayo Magaalada Baydhabo.