Doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka oo Maanta dhaceysa.

0
410

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Gudiga Maamulka Doorashada Dowlada Hir-Shabeelle ayaa lagu wadaa in Maanta oo Axad ah in Magaalada Beledweyne oo ah Xarunta labaad ee degaan doorashada inay ku qabtaan lix kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11aad.

Guddiga ayaa shalay Shahaadada Musharaxnimada Guddoonsiiyay dhamaan Murushixiintii u Tartamaysa kusaastii guddigu shaaciyay taariikhdu markii ay ahayd 15/02/2022, waxaana kuraasta la dooranayo ay kala yihiin.

Maamulada kale ee kajira dalka ayaa la filayaa in dhankooda ay dardar geliyaan howlaha doorashooyinka ee Golaha Shacabka, iyada oo muddo kooban ay ka harsan tahay waqtigii loo asteeyay in lagu soo geba-gabeeynayo doorashada.