Donald Trump oo canshuur ugu hanjabay Midowga Yurub.

0
95

Dhobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa Jimcaha maanta ah ugu hanjabay Midowga Yurub canshuuro, haddii ururka uusan dhimin farqiga “weyn” ee ganacsi ee kala dhaxeeya Washington oo aanu ka iibsan saliid iyo gaas.

Sida ku cad tirooyinka Mareykanka, badeecadaha laga keeno Midowga Yurub waxay ahaayeen $553.3 bilyan 2022-kii, halka badeecadaha loo dhoofiyo Midowga Yurub ay ahaayeen $350.8 bilyan.

Trump, oo xafiiska la wareegaya bisha Janaayo, ayaa ku hanjabay canshuur dharbaaxo ah oo uu ku soo rogayo saaxiibada ganacsi ee Mareykanka – oo ay ku jiraan Canada, Mexico iyo Shiinaha – taas oo gilgili karta dhaqaalaha adduunka.

Canada, Mexico iyo Shiinaha ayaa ah saddex ka mid ah saaxiibada ganacsi ee ugu weyn e Mareykanka.

Horaantii bishaan, Midowga Yurub wuxuu soo gabagabeeyey heshiis ganacsi oo ballaaran oo uu lagalay afar waddan oo ku yaalla Koonfurta Ameerika – Argentina, Brazil, Paraguay iyo Uruguay – kaas oo ujeedkiisu yahay in la abuuro aag ganacsi oo xor ah oo dhan 700 milyan.