Diblomaasiyiin caalami ah oo ku qulqulaya Dalka Syria.

0
36

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirrada arrimaha dibadda ee Faransiiska iyo Jarmalka ayaa booqday Dimishiq, iyagoo kamid ah diblomaasiyiinta reer Galbeed ee ugu dambeeyay ee la kulma kooxaha Islaamiyiinta ah ee afgambiyay Bashar al-Assad bishii hore. Wasiirrada ayaa sidoo kale booqday xabsiga caanka ah ee Saydnaya

Wasiirka Arrimaha Debedda ee Fransiisa Jean-Noel Barrot ayaa warbaahintauga warramay rejooyinooda ku aaddan xaalka Syria, isaga oo sheegay in filashadu hagaagsan tahay oo illaa hadda si wanaagsan wax u socdaan.