Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Inta la xaqiijiyay ilaa Saddex Ruux ayaa ku geeriyooray tiro kalana waa ay ku dhawacmeen kadib shil Gaari oo ka dhacay degaanka Qoyte oo kuyaalla inta u dhaxeysa Magaalooyinka Burco iyo Berbera ee Gobolka Togdheer Somaliland.
Shilka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii uu rogmaday Gaari nooca raaxada ah oo ay saarnaayeen dad Shacab ah, waxaana la geeyay Isbitaalka Magaalada Burco dadka ku dhaawacmay Shilkaas.
Agaasimaha Isbitaalka Magaalda Burco Dr Maxamed Faarax Cabdi ayaa sheegay in Saddexda Ruux ee dhimatay ay isugu jiraan laba Dumar ah iyo hal Cunug, halka 5 Ruux oo shilka ku dhaawacantay ay la tacaalayaan xaaladooda Caafimaad.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in shilalka gaari ay kusoo bateen wadada xiriirisa Magaalooyinka Burco iyo Berbera ayna ugu wacan tahay dhalinyaro yar yar oo si iskood ah Garaarida isaga wada, wuxuuna ugu baaqay laamaha Amniga inay wax ka qabtaan.
Degaannada Somaliland ayaa waxaa sanadihii la soo dhaafay ku batay Shilalka Gaari, waxaana shilalkii dhacay ku geeriyooday sanadkaan in ka badan tobaneeyo Ruux.