Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Liverpool, Alexis Mac Allister, ayaa kusoo laabtay kooxda kadib waajibaadkii caalamiga ahaa iyadoo laga walwalsan yahay xaaladdiisa jir ahaaneed.
Mac Allister ayaa muddo bilo ah la dhibtoonayay dhibaatooyin dhanka caafimaadka ah, waxaana uu tan iyo bishii Abriil ku guuldarreystay inuu dhammaystiro hal kulan oo 90 daqiiqo ah.
Tababaraha Liverpool Arne Slot ayaa sheegay in dhaawacyada iyo daalku ay saameeyeen xasilloonida ciyaaryahanka.
“Hal shay way cadahay — nasiib darro, Alexis wuxuu seegay kulamo noocaan ah waqti badan,” ayuu yiri Slot.
“Wuxuu fasax galay markiiba kaddib markii aan ku guuleysanay horyaalka, waxaana filaynay inuu soo laabto waqti hore xilli-ciyaareedka cusub, balse taasi ma dhicin.
Taasina waxay keentay inuusan awoodin inuu ciyaaro saddex kulan oo xiriir ah — mar buu ciyaarayaa 60 daqiiqo, mar 45 daqiiqo, waana xaalad aan u fiicnayn ciyaaryahan kasta.”
Si kastaba ha ahaatee, Slot ayaa rajo ka muujiyay in xiddiga reer Argentina uu si buuxda ugu soo laaban doono heerkiisii sare:
“Wuxuu horey u soo maray waayo-aragnimo badan oo ciyaareed, wuxuuna ku laaban doonaa heerka uu doonayo — iyo heerka aan aniguna doonayo inaan ka arko.”
Tababaraha Liverpool ayaa sidoo kale xaqiijiyay in Ryan Gravenberch uu si buuxda u caafimaaday, taas oo war fiican u ah kooxda ka hor kulanka weyn ee ay la yeelan doonaan Manchester United.






