Home Cayaaraha Dhibaatada Korona Fayras ee Kooxda Liverpool oo halkeeda ka sii socota &...

Dhibaatada Korona Fayras ee Kooxda Liverpool oo halkeeda ka sii socota & xiddigii Shanaad oo lasoo sheegayo inuu soo ritay

0
219
DOHA, QATAR - DECEMBER 21: (L-R) Liverpool FC squad poses for team photo with Alisson Becker, Sadio Mane, Joseph Gomez, Virgil Van Dijk, Roberto Firmino, Mohamed Salah, Alex Oxlade-Chamberlain, Trent Alexander-Arnold, Naby Keita, Jordan Henderson and Andrew Robertson during the FIFA Club World Cup Final match between Liverpool FC and CR Flamengo at Khalifa International Stadium on December 21, 2019 in Doha, Qatar. (Photo by Marcio Machado/Eurasia Sport Images/Getty Images)

Liverpool ayaa si rasmi ah u shaacisay Talaadadii la soo dhaafay in xiddigeeda reer Switzerland Xherdan Shaqiri uu ku dhacay Korona Fayras.

Liverpool ayaa sidoo kale xilliyadii la soo dhaafay shaacisay in xiddigeeda dhawaangalka ah ee Thiago Alcantara uu ku dhacay Korona Fayras, si la mid ah weeraryahankeeda reer Senegal ee Sadio Mane iyo sidoo kale Konstantinos Tsimikas.

Warbaahinta Ingariiska ayaa kaga nixisay taageerayaasha kooxda Liverpool inyar ka hor arrinta ku saabsan in xiddigooda khadka dhexe ee Naby Keïta uu ku dhacay Korona Fayras.

Milner hails Naby Keita: "Imagine how good he's going to be..." - AS.com

Xiriirka Kubadda Cagta ee Guinea ayaa si rasmi ah u shaaciyay in AFAR ciyaartoy oo ku sugan xeradooda tababarka ay hadda qabaan caabuqa Korona Fayras.

Warbaahinta Ingariiska ayaa tilmaamtay in ciyaaryahanka khadka dhexe ee Naby Keïta la filayo inuu kamid noqdo magacyada uu ku dhacay caabuqa Korona Fayras.

Haddii Naby Keïta la xaqiijiyo inuu ku dhacay Korona Fayras, wuxuu laacibka seegi doonaa kulanka Merseyside derby ee Sabtida soo socota, iyo kulanka ay kaga daahfuran doonaan tartanka Champions League isla usbuucaas.