Dhaqaatiirta Dhoobley oo ka digay khatarta cudurrada faafa.

0
246

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Guud ahaan cuduradaa waxaa loo qeybiyaa laba qeybood oo waa weyn oo kala ah.Cudurada faafa oo loo yaqaano (infectious diseases iyo cudurada aan faafin oo loo yaqaano (non-infectious diseases)

Hadaba Cudurada Faafa ama la isqaadsiiyo ee ku faafa una gudba qofba qofka kale ama ka faafa xayawaan una gudba dadka ayaa ah kuwa halis ku ah bulshada dhexdeeda waxaa ayna ku faafaan dowr hab oo kala ah taabashada sida tabashada maqaarka iyo Neef qaadashada cudurada habkaa ku faafa waxaa kamid ah qaaxada,jadeecada,xiiq dheerta, hargabka iyo Gowracatada oo inta badan ay ka cabadaan bulshada.

Dhaqaatiirta ayaa inta badan ku celceliya Ka hortagga waxaa uu ka muhiimsan yahay daaweynta. ilaalinta deegaanka iyo sidokale nadaafadda shakhsiga, gacmo dhaqashada ka dib markii shaqada wasakh ah qofka qabto, cunidda ka hor iyo ka dib marki la isticmaalo musqusha ayaa waxay ka badbaadisaa bulshadu noocyo kala duwan oo lays qaadsiyo cudurrada faafa.

Hadaba qaar kamid ah dhaqaatiirta magaaalada dhoobley oo Radio Sanguuni la hadlay ayaa bulshada uga digay halista ay leeyihiin cudurada faafa.

Maxamed Cali Samow.ayaa kawaramaya