Dhaqaatiirta Degmada Dhoobley oo ka Hadlay halista Cudurka kansarka Gaar ahaan ah midka ku dhaca Haweenka.

0
191

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Cudurka Kansarka wuxuu ka mid yahay xanuunnada ay u dhintaan dadka ugu badan ee dunida.Ereyga kansar wuxuu u taagan yahay cudurro badan oo ka dhasha in unugyada jidhka ee aan caadiga ahayn ay si degdeg ah isu bedelaan.

Kansarka naasaha Waa burooyin ku sameysma naasaha waxay ku sameysmi karaan qanjirka caanaha soo siidaaya ama waxay ku sameysmi kartaa buro kansareedkaasi tuubooyinka caanaha soo qaadasidoo kale guud ahaan naaska qaybihiisa kala duwan ayey ku sameysmi kartaa.Wuxuuna ku fidi karaa dhamaan unugyada ku hareereysan ama ka agdhaw naaska.Inta badana waa Mid aan badneen in laga badbaado Halistiisa oo Qofka ku dhaco waxa uu halis ugu jiraa inuu u dhinto.

Hadaba waxaan waraysi la yeelanay qaar kamid ah dhaqaatiirta ka hawl gala xaruumaha caafimaad ee ku yaala degmada kuwaas oo sharraxaad kabixiyay kansarka ku dhaco naasaha oo inta badan ay u nugul yihiin hooyada naasaka nuujineyso iyo gabdhahaqaan gaarkoodu soo dhawdahay.

Fardowsa Axmed Cabdi. ayaa ka warramaysa