Dhalinyaro ku geeriyootay Shil Gaari oo ka dhacay Puntland

0
351

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)laba Dhalinyaro ah oo lagu kala Magacaabi jiray Axmed Maxamed Ciise iyo Axmed Cabdinuur (Jii) ayaa ku geeriyooday shilgaari oo saaka ka dhacay inta u dhaxaysa Magaalooyinka Qardho iyo Garoowe ee Puntland.

Shilka ayaa yimid kadib markii uu rogmaday Gaari ay dhalinyarada saarnaayeen oo ka yimid Magaalada Qardho kuna sii jeeday Magaalada Garoowe ee xaunta Gobolka Nugaal, sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Ciidamo katirsan kuwa ilaalada waddooyinka Puntland ee taraafikada iyo dadweyne ayaa u gurmaday dhalinyarada shilka gashay, kuwaas oo qaarkood oo dhaawacmay la geeyay Isbitaalka Magaalada Garoowe.

Waa shilkii Saddexaad oo todobaad gudihiis ka dhaca degaannada Puntland, kaas oo geysta dhimasho iyo dhaawac, iyada oo loo sababeynayo waddooyinka qaar oo burbursan iyo Gawaarida oo darawalada ay si xowli ah ku wadaan.