Dhalinyaro fursado ganacsi ka abuurtay dhoobley oo dhalinyarada ugu baaqay inay shaqeystan.

0
382

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Dhalinyarada ayuu ku tiirsan yahay mustaqbalka wadan waliba, maadaama ay bulshada boqolkiiba 75 % ay yihiin dhalinyaro ka yar da’da 30 jir. Dhanka kale shaqo la’aanta dhalinyarada ayaa ah tiro aad u badan, hadaba si ay meesha uga saaran duruufaha ku gadaman nolol maalmeedka qoyskooda, dhalinyaro ku nool magaalada dhoobley ee gobalka jubada hoose ayaa abuurtay fursado ganacsi  iyadoo lacagaha ay ka helaan ay ku mareeyaan nolol maalmeedka reerkooda.

Dhalinyaradan ayaa miisas ka sameysan alwaax iyo gaari gacano ku kor iibiya saacadaha gacanta lagu xirto, jijimanka, faraantiyaasha iyo agabyada yaryar ee la isku qurxiyo.

Hadaba qaar kamid ah dhalinyaradaasi ayaa Radio Sanguuni uga warbixiyay shaqadooda iyagoona dhalinyarada kale ugu baaqay in ay abuurtaan ganacsiyo yar yar si ay nolashooda iyo tan qoyskoodaba ugu maareeyaan.

Khadar Axmed Salaan. ayaa ka warramaya