Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Dhalinyaro badan oo ku nool dagmada dhoobley ayaa gaadiidka Tagaasida ku soo dhacsada nolol maalmeedkooda.
Dhalinyaradan oo mudooyinkii danbe aad ugu soo badanayay shaqadaan ayaa arinkan u sababeeyay inaysan helin fursado shaqo oo ka duwan shaqada kaxeynta tagaasida iyagoo islamar ahaantaana door biday inay nolol maalmeedkooda ka raadsadaan wadida gadiidka yar yare ee tagaasida badalkii ay gidaarada fadhiisan lahaayeen shaqo la’aan awgeed.
Hadaba qaar kamid ah dhalinyarada ku shaqeesta gaadiidka tagaasida ayaa ka warbixiyay shaqadooda iyo sababta keentay in ay isa soo taraan dhalinyarada ku shaqeesta wadidda tagaasida
Maxamed Cali Samow. ayaa warbixintan inooga diyaariyay