Dhalinyarada Dhoobley oo loogu Baaqay in ay ka Qeyb qataan Kobaca Dhaqaale ee Dalka.

0
560

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Kobaca Dhaqaalaha ee Dalka Waxyaabaha lagama maarmaanka u ah in kor u kaco sameeyo waxaa kamid ah Cududa iyo Khayraadka Aadmiga, sidokale Qoddobada ugu muhiimsan ee go’aamiya heerka koboca dhaqaalaha dalka, waa Tirada, tayada iyo sidoo kale Aqoonta xirfada iyo Waayo aragnimada ay leeyihiin Dadka dalka oo qayb wayn ka ah Kobaca dhaqaalaha. Hadii dadka dalka ay yihin kuwo u saaxiib ah Tayo ,Aqoon, Xirfad iyo Waayo aragnimo waxa ay sahlaysaa in dalkaas dhaqaalihiisu kor u kaco.

Qaar kamid ah dhalinyarada baratay cilmiga dhaqaalaha ee ku nool magaalada dhoobley ee gobolka jubada hoose  ayaa Radio Sanguuni uga warbixiyay habka ay dhalinyarada uga qeyb qaadan karaan hormarka dhaqaale ee ka jira dalka iyagoo islamarkaana talooyiin siiyay kuwaas oo ku aadan qaabka ay dhalinyarada uga bixi karaan shaqo la,aanta haysata ayna noqon karaan kuwa hormuar iyo himilooyiin layimaada.

Sikastaba ha ahaatee dhalinyarada baratay koliyadaha dhaqaalaha ee ku nool magaalada dhoobley ayaa waxay inta badan dhalinyarada ku dhiira galiyaan hormarinta dhaqaalaha deegaanka.

Maxamed Cali Samow. ayaa ka warramaya