Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Bisha ramadaan waxa ay leedahay Fadli aad iyo aad u weyn, waana fursad sanadkii hal mar soo marta dadka Muslimiinta ah, Diinteenna Islaamka ah, Bisha Soon aad iyo aad ayay u karaameysay waxayna diinta ay geesay Bishaan boos aad uweyn.
Bisha Soon waa bil lagu tarabiyeeyo Nafasadda loogana Daahiriyo waxyaabaha xun xun sidoo kale waa bil Dulqaad
Iyadoo aan wada ognahay ahmiyadda bishani ayaa hadana Waxaa jiro dhalinyarada soomaliyeed oo xiliyada qaar ciyaara landguuga iyago sheegey in ay isku madadaliiyan oo ay waqtiga isku dhaafiiyan.
Qaar kamid ah dhalinyarada degankan dhoobley ee ciyaara landhuuda iyadoo lagu gudajiro bisha barakeysan ee ramadaan ayan wax kaweydiinay arinkaasi waxyna inoo sheegeen inay isku madadaaliyaan.
Sheikh Xasan Wali waxaa uu kamid yahay culimada deegaanka dhoobley Radio Sanguuni ayuu sharraxaad uga bixiyay diinta islamka waxa aya ka qabto ciyariisata landuuga xilliga lagu jiro bisha barakeysan ee ramadaan.
Naxwo Axmed Kadiye. ayaa ka warramaysa