Dhaliil Xoogan: Owen oo Sheegay In Konaté Uusan Garanayn Waxa Uu Samaynayo.

0
176

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Weeraryahankii hore ee Liverpool, Michael Owen, ayaa si gaar ah u dhaliilay daafaca Ibrahima Konate kadib markii Reds looga adkaaday 2-1, taas oo ahayd guuldarradoodii ugu horreysay xilli-ciyaareedkan.

Owen ayaa sheegay in difaaca Liverpool uu ku dhibtooday inuu la qabsado weerarrada Palace, isaga oo ku tilmaamay Konate mid “lumay” qeybtii hore ee ciyaarta.

“Ma garanayo in ay daal ahayd, laakiin waxay na tuseen ciyaartooy badan intii lagu jiray Carabao Cup usbuucii hore. Ma ahayn sidii caadadooda. Xilli-ciyaareedku waa xilli hore, markaa daal lama dhihi karo sababta.” ayuu yiri Owen.

Isagoo sii hadlayay ayuu intaas ku daray: “Qeybtii hore Konate ma garanayn waxa uu qabanayo. Ma dhihi karo waxaa sabab u ahaa daal ama tabar-darri. Waxaan xilli-ciyaarkan  aragnay labo ama saddex kulan oo kale oo uu si la mid ah u ciyaaray.”

Si kastaba, Owen ayaa qiray in Crystal Palace ay mudan yihiin ammaan: “Waxaan siin lahaa amaan Palace, waa koox dhab ah. Waxay hore u garaaceen Liverpool Community Shield-ka, mana ahayn nasiib darro. Waxaan oran lahaa Palace si aad u wanaagsan ayey u ciyaareen.”