DFS oo faah faahisay Soomaali laga soo badbaadiyay colaada Ukraine

0
325

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay farxad u tahay in ay ku dhawaaqdo in 348 muwaadin Soomaaliyeed oo ku xayirnaa gudaha dalka Ukraine iyo soohdintiisa oo qaarkood caddaymo la’aan ahaa la soo badbaadiyay.

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Wasaaraddu  fududeysay in 65 arday lagu meeleeyo xarumaha tacliinta sare ee dalka Hungary, kadib markii ay ka diiwaan geliyeen Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya arrimaha ay danaynayeen.

” Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa ku boorrinaysa ardayda Soomaaliyeed ee iska diiwaan gelisay inay wax ka bartaan dalka Ukrain, isla markaana xiisaynaya inay waxbarashadooda sare ka sii wataan meel ka baxsan dalka Ukraine inay is-diiwaangeliyaan iyagoo buuxinaya foomka hoose.

Dhowr jeer oo hore ayaa dadaalo kala duwan oo la sameeyay waxaa colaada Ukraine laga soo badbaadiyay Soomaali farabadan, kuwaas oo soo dhaweyn ka helay qaar kamid ah dalalka Yurub.