Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Moises Caicedo ayaa soo saaray warbixin uu ugu baaqayo kooxdiisa Brighton inay u ogolaadaan inuu baxo bishaan Janaayo inta uu furan yahay suuqa kala iibsiga.
Iyadoo suuqa kala iibsiga uu xirmayo Talaadada, xiddiga reer Uruguay ayaa fariin soo dhigay baraha bulshada si looga iibiyo Arsenal.
Wuxuu Instagram ku yiri: “Waan uga mahadcelinayaa Mr. Bloom iyo Brighton fursadii ay ii siiyeen inay ka ciyaaro Premier League, waxaana dareemaaya inay mar walba si fiican iila dhaqmeen. Waxaan mar walba kubada ku ciyaaraa dhoolacdeyn iyo jaceyl.
“Waan ku faanayaa inaan awood u yeesho in lacag rikoodh ah la igu soo dalbaday taasoo u ogolaaneysa Brighton inay dib maalgashi ugu sameyso, kana caawiso kooxda inay sii wadato guulaheeda.
“Taageerayaasha jaceyl ayay ii muujiyeen, mar walba qalbigeyga ayay ku jiri doonaan sidaasi darteed waxaan rajeynayaa inay fahmaan sababta aan u doonayo inaan uga faa’ideysto fursadaan weyn.”
Hadalka Caicedo ayaa si weyn u caawin doona Arsenal oo la filayo inay dalab labaad ka gudbiso xiddigaan saacadaha soo socda.