Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda Man United ayaa dhamaystirtay saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Wolves ee Matheus Cunha kaas oo ay ka dhigtay saxiixii ugu horeeyay ee suuqa kala iibsiga xagaaga.
Kooxda Man United ayaa Matheus Cunha kala heshiisay heshiiska shaqsiga ah todobaadkii hore si uu ugu biiro kooxda.
Saxafiga Fabrizio Romano ayaa sheegay in la dhamaystiray wax walba oo ku saabsan heshiiska xiddigu ugu biirayo Old Trafford.
Kooxda Man United ayaa sidoo kale ogolaatay lacag dhan 62 milyan oo euro si ay u hesho xiddiga kadib wadahadalo ay la yeelatay Wolves.
Cunha ayaa kooxda Man United u saxiixaya heshiis 4 sano ah oo uu ku joogi doono kooxda ilaa sanadka 2030.