Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Arsenal ayaa goor dhow si rasmi ah u xaqiijisay inay kansaleen qandaraaska xiddiga reer Ivory Coast Nicolas Pepe kaasoo si xor ah uga tagay kooxda.
Gunners oo xiddigaan ku soo iibsatay 72 milyan ginni ayaa haatan si bilaash ah uga tagay kooxda iyagoo aqbalay qasaarada lacageed ee ka soo gaartay saxiixiisa.
Xiddiga reer Ivory Coast waxa uu hishiis waqti kooban ah u saxiixay kooxda Turkiga ee Trabzonspor isagoo si bilaash ah ugu biiray.
Tababare Mikel Arteta ayaa u arkay Pepe inuusan qeyb ka aheyn qorshihiisa kooxda, waxayna doorbideen inay si bilaash ah ku fasaxaan bedelkii uu mushahar ka qaadan lahaa kooxda isagoo aan ciyaareynin.
28 jirkaan ayaa ahaa xiddiga ugu qalaisan kooxda markii uu ka soo wareegayay kooxda Faransiiska ee Lille sannadii 2019kii.
Laakiin waxa uu ku fashilmay Emirates Stadium isagoo ka soo bixi waayay wixii laga filayay taasoo ugu danbeyn keentay in maanta qandaraaskiisa la kansalo.
Warbixin ay soo saartay Arsenal ayaa lagu yiri:
“Waxaan isla garanay Nicolas in qandaraaskiisa la kansalo sida ugu dhakhsiyaha badan.”
Pepe wuxuu Arsenal la qaaday koobka FA Cup sannadii 2020 isagoo caawiye ka ahaa goolkii ay ciyaarta finalka uga badiyeen Chelsea. Waxa uu Gunners u saftay kaliya 111 kulan tartamada oo dhan.
28 jirkaan waxa uu amaah ku tagay xilli ciyaareedkii hore kooxda Ligue 1 ka dhisan ee Nice isagoo u saftay 28 kulan islamarkaana u dhaliyay sideed gool.