De Jong oo lagu booriyay inuu doorto Chelsea haddii lagu qasbo inuu ka tago Barcelona

0
183

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni). Xiddigan reer holland ee Frenkie de Jong ayaa loogu baaqay inuu iska diido man united kuna biiro Chelsea xagaagan, haddii uu ka tagayo Barcelona.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Holland ayaa diirada u saarnaa Man United mudada dheer, iyadoo Erik ten Hag uu ka dhigay bartilmaameedka koowaad ee kooxda, laakiin talaabadan ayaa u muuqata mid aan u dhowaanin inay hirgasho.

In kasta oo uu hore u sheegay in uu ku faraxsan yahay xiisahooda, warbixinnada qaar ee ka soo baxay wargayska Sports ayaa soo jeedinaya in uusan wax xiiso ah u qabin udhaqaaqitaanka Red Devils, taas beddelkeeddana uu doorbidayo u dhaqaaqista kooxda Galbeedka London ee Chelsea.

Weeraryahankii hore ee Aston Villa Agbonlahor ayaa ku booriyay Blues inay afduubtaan tallaabadaas, isagoo ka hadlayay Xilliga quraacda ee maanta una warramayay TalkSPORT: ayaa waxuu yiri:

“Waxaan ka hadlayay Manchester United inaysan wax badan soo jiidaneynin hadda, taageerayaashoodana ma jecla midaas. Ma xamili karaan xaqiiqooyinka toosan.

“De Jong, haddii uu ka tagayo Barcelona, ​​ma doonayo inuu aado Manchester United. Waxaa jira hadallo soo baxay oo sheegaya inuu door bidi lahaa Bayern Munich, ama Chelsea.”

“Maxaa yeelay aniga ahaan haddii aan dooranayo koox ka ciyaarta Premier League oo aan fursad u helo Chelsea ama Manchester United, waxaan dooranayaa Chelsea.

Inkastoo de Jong uusan dooneynin inuu baxo, haddana kooxda reer Catalan waxay kuqasbanaan doontaa inay mushaarkiisa dhinto si ay u diiwaan geliso saxiixyada cusub ee Robert Lewandowski, Raphinha, Franck Kessie iyo Andreas Christensen.

Waxaa la sheegay inuu walaac dhab ah ka qabo sida ay United u shaqeyso, iyadoo aragtida ciyaaryahanka lagu sheegay inay tahay mid weli uusan go’aan kagaarin.

Agbonlahor ayaa intaa ku daray: “Man United Waxay haystaan ​​dhibaatooyin, waxayna ku qaadan doontaa waqti si ay fursad ugu helaan inay ku guuleystaan ​​Premier League ama Champions League.”