Dani Alves ayaa wareysi uu ku bixiyay “Catalunya Ràdio” wuxuu ku sheegay:
“Waa wax iska caadi ah in Barcelona ay la kulanto dhibaato, sababtoo ah kooxda waxay lumisay aqoonsigeeda, hadana kooxda waa inay marto marxalad adag, si ay markale u hesho aqoonsigeeda”.
“Guuldarrooyinkii Liverpool iyo Bayern Munich waxay ahaayeen kuwa aad u xanuun badan, laakiin waxay lagama maarmaan u yihiin inay ogaadaan in kooxda qaldan tahay, waxaan u maleynayaa in Barcelona ay dooneyso inay noqoto koox ganacsi, inay wax iibsato waxna iibiso, waana taas sababta ay u lumisay aqoonsiga”.
Intaas kaddib Dani Alves ayaa wuxuu shaaca ka qaaday sababihii uu kaga tagay kooxda Barcelona, wuxuuna yiri:
“Haddii ay iila dhaqmi lahaayeen Barca sida aan u qalmay, waan la sii joogi lahaa iyaga xilligan, waan jeclahay kooxdan”.
“Waxay doonayeen inaan ka tago kooxda iyagoon ila hadlin, markii ay awoodi waayeen inay la soo wareegaan daafac buuxa, waxay u ordeen inay qandaraaska cusbooneysiiyaan. Waxaan dareemay ixtiraam la’aan sidaas darteed waxaan xirxirtay boorsooyinkeyga”.
Haddii uu ka fikirayay inuu ku laabto kooxda reer Catalonia si uu qeyb kaga noqdo maamul kooxda, ayaa wuxuu yiri: “Haa, waan ka fikirayaa taas. , Hubaal”.
Dani Alves oo ka hadlayay Lionel Messi ayaa wuxuu yiri:
“Messi waa sidii gaashaanka Barcelona, laakiin markaad eegto hareerahaaga oo aad aragto in wax walba ay musiibo yihiin, waa wax dabiici ah inaad rabto inaad ka tagto, waxa uu Messi ku sameeyay Barcelona waa wax weyn oo ay tahay in magiciisa la dhigo garoonka”.
Ugu dambeyntii Dani Alves oo tallo siiyay xiddiga dhawaangalka ah kooxda Barcelona ee Sergiño Dest ayaa wuxuu yiri:
“Hadii ay tahay inaan talo siiyo Sergiño Dest, waa wax fudud (kubadda u dhiib Messi)”.