Dalka Senagal oo hakiyay isticmaalka aaladda TikTok

0
89

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Maamullada dalka Senegal ayaa xannibaad ku soo rogay isticmaalka barta bulshada ama ablikeeshinka TikTok.

Wasiirka wasaaradda isgaarsiinta iyo dhaqaalaha casriga ee dalka Senegal Moussa Bocar Thiam, ayaa sheegay in Tiktok ay adeegsadaan dad aynan niyadoodu wanaagsanayn oo ku faafiya farriimo naceyb ku saleysan oo khatar gelinaya xasiloonida wadankaasi.

Arinkan ayaa imaanaya maalmo un ka dib markii la kala diray xisbiga mucaaradka ee wadankaasi sidoo kalena la xiray hoggaamiyahooda Ousmane Sonko.

Hardanka awoodeed ee u dhexeya madaxa xisbiga mucaaradka ee PASTEF Ousmane Sonko iyo madaxweynaha Senegal Macky Sall ayaa marar badan sababay dibadbaxyo rabshadeysan taasoo saameysay sumcadda dimuqraadiyadeed ee wadankaasi.