Dagaalkii canshuuraha ee Donald Trump oo sii xoogeystay.

0
102

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Mareykanka Donald Trump ayaa ballan qaaday inuu soo rogi doono canshuuro dheeri ah, ka dib tallaabadiisi ugu dambeysay ee uu canshuuro ugu soo rogay birta iyo macdanta la soo geliyo Mareykanka, taas oo keentay inay ka aargoostaan ​​Midowga Yurub (EU) iyo Canada.

Trump ayaa sheegay inuu “dabcan” ka jawaabi doono tallaabooyinka la qaaday, isagoo ku celceliyay digniintiisa ahayd in uu dhaqan gelinayo “heshiiska” canshuuraha bisha soo socota, kuna soo rogayo dalal adduunka ka tirsan

“Wax kasta oo ay nagu soo oogaan, waanu ku soo rogeynaa,” ayuu yiri Trump.

Handadaadda ayaa sii ballaarisay dagaalka dhanka ganacsi, kaas oo gilgilay saamiyada suuqyada iyo macaamiisha dalal badan oo adduunka ah, oo Maraykanku kamid yahay.

Dhanka kale, dowladda Canada ayaa canshuur koror 25% ah ku soo rogtey alaabaha laga keeno dalka Mareykanka, xilli uu cirka isku shareeray dagaalka dhanka ganacsiga ah ee u dhexeeya labada dal ee dariska ah.

Midowga Yurub ayaa isna ku dhawaaqay canshuur dheeri ah oo lagu soo rogay waxyaabaha uga yimaada Mareykanka, taas oo dhaqangeli doonta bisha April ee soo socota.