Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Bogga Defensa Central ayaa daaha ka rogay in xiddiga dhalinyarada ah ee reer Spain Lamine Yamal uu dareemayo niyad-jab iyo caro ka dhalatay dhaleeceyn joogto ah oo uu dhowaan si dadban uga helayay tababaraha Barcelona Hansi Flick.
Sida laga soo xigtay ilo xog ogaal ah, Yamal ma diidana suurtagalnimada uu kaga tagayo Barcelona haddii xaaladdu sidaas ku sii socoto, iyadoo kooxo badan oo waaweyn ay si dhow ula socdaan xaaladdiisa si ay fursad uga helaan saxiixiisa.
Warbixintu waxay sheegtay in Paris Saint-Germain (PSG) ay diyaar u tahay inay jebiso rikoodhka ugu weyn ee suuqa kala iibsiga si ay u hesho saxiixa Yamal, maadaama maamulka kooxda Faransiiska uu si weyn ugu kalsoon yahay hibadiisa iyo mustaqbalkiisa ifaya.
Sidoo kale, ilo wareedku waxay intaas ku dareen in xiddigan 18-jirka ah uu sidoo kale u furan yahay inuu u dhaqaaqo Premier League, iyadoo kooxo badan oo Ingiriis ah ay si dhow ula socdaan xaaladdiisa, iyagoo rajaynaya horumar kasta oo dhici kara bilaha soo socda.
Yamal ayaa horraantii sanadkan cusbooneysiiyay qandaraaskiisa Barcelona ilaa xagaaga 2031, taas oo ka dhigaysa mid adag inuu si fudud uga tago kooxda, inkastoo xiisaha sii kordhaya iyo khilaafka gudaha uu xaaladda sii murjin karo.