Dadka ku barakacay dagaalada sokeeye ee Yemen oo kor u dhaafay 4 malyan

0
216

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Hey’adda maamusha xeryaha barakacayaasha ee dalka Yemen ayaa sheegtay in tirada dadka ku barakacay dagaalaada sokeeye ee dalkaas ay kor u dhaaftay 4 malyan oo qof.

Warbixin ay soo saartay Hey’addan ayaa lagu sheegay in dadka barakacay tan iyo markii uu dagaalka ka qarxay dalkaas ay gaareen 4 malyan iyo 100 kun oo qof.

Warbixinta ayaa intaas ku dartay, in dagaaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay gobalka Ma’rib ee dalka Yemen ayaa sababeen  in ay barakacaan in ka badan 93,000 oo qof.

Qaramada Midoobe ayaa hore u sheegtay in barakacayaasha Yemen ay soo wajahday nolol adag, loona baahanyahay in loo fidiyo caawinaad deg deg ah oo bini aadanimo.

Waxaa dalka Yemen ka socday todobadii sano ee lasoo dhaafay dagaal sokeeye kaas oo sabay dhimashada in ka badan 2,33 kun oo ruux, halka ay ku barakaceen in ka badan 4 malyan.