Dad ku dhintay Shil Gaari oo ka dhacay duleedka Magaalada Burco

0
165

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Shilkaan oo geystay khasaaeo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa ka dhacay agagaarka degaanka Beer oo dhanka Bari kaxiga Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer.

Shilka Gaari ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii ay isku dhaceen Gaari Bas ah iyo bas ah iyo Xaajiyadbyar, waxaana ku dhintay laba Ruux halka ay ku dhaawacmeen 11 Ruux oo kale, kuwaas oo kala saarnaa labada Gaari.

Guddoomiyaha Gobolla Togdheer iyo Guddoomiyaha Magaalada Burco ee Somaliland ayaa waxaa ay siwadajir ah u sheegeen in 11 Ruux ee dbaawaca ah la geeyay Isbitaalka Magaalada Burco, isla markaana Afar kamid ah aybxaaladoodu aad u liidato.

Waxaa ay sheegeen in ay sidoo kale wadaan baaritaano ku aadan waxa sababay shilka gaari, sidoo kalena lala tacaalayo xaaladda Caafimaad ee dadka ku dhaawacmay Shilkaas.

Sanadihii la soo dhaafay ayaa degaannada Somaliland waxaa ku kordhay Shilalka Gaari, iyada oo sanadkaan sii dhamaanaya ee 2021 ay ku dhinteen Shil gaari dadkii ugu badnaa degaannada Somaliland iyo Puntland.