Dab ba’an oo ka kacay keymo ku yaalla Mediterranean-ka

0
206

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kumanaan kamid ah kooxaha dab damiska ayaa la daalaa dhacayaa daminta dab ka kacay dalalka Bortuqiiska, Spain iyo koonfur galbeed dalalka Faransiiska xilli dabka uu si xawaare leh u baahayo.

Waqooyiga Bortuqiiska, waxaa ku dhintay duuliyaha diyaarad ka qeyb qaadaneysay daminta dabka ku baahay deegaanka Foz oo u dhaw xadka Spain.

Dhinaca kale, dabka ayaa ku faafay gobolka Gironde ee dalka Faransiiska halkaas oo laga daadgureeyay in ka badan 12,000 qof.

Koonfurta Spain meel u dhaw gobolka Costa del Sol, waxaa halkaa isaga cararay dad ku dhaw 23,000 qof xilli dabka uu kusii baahayo keymaha ku yaalla buuraha Mijas