Daadad dad ku dilay Bartamah Yurub

0
80
This aerial photograph taken on September 15, 2024 shows local residents being evacuated by Polish rescuers in the village of Rudawa, southern Poland. One person has drowned in Poland and an Austrian fireman has died responding to floods, authorities said, as Storm Boris lashed central and eastern Europe with torrential rains. Since Thursday, September 12, 2024, swathes of Austria, the Czech Republic, Hungary, Romania and Slovakia have been hit by high winds and unusually fierce rainfall. The storm had already caused the death of five people in Romania, and thousands have been evacuated from their homes across the continent. (Photo by Sergei GAPON / AFP)

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Waxaa Axaddii shalay korortay tirada dadka ku dhintay daadad xoog oo ku dhuftay dalalka dhaca bartamaha qaaradda Yurub, kaddib roobab mahiigan ahaa oo maalmihi lasoo dhaafay ka da’ay halkaasi.

Meelaha ay daadadka xoogga leh saameeyeen ayaa waxaa ka mid ah Austria, Czech Republic, Poland iyo Romania. Waxaa laga cabsi qabaa in waddamada Slovakia iyo Hungary ay daadadku gaari doonaan.

Ilaa lix qof ayaa la xaqiijiyay in daadadku ay ugu dhinteen dalka Romania halka min hal qof ay ku dhinteen dalalka Austria iyo Poland. Booliska Jamhuuriyadda Czech ayaa sheegay in la la’yahay afar qof oo ay daadku qaadeen.

Saraakiishu waxay kaloo sheegeen in rubuc malyuun qof laga daad-gureeyay Jamhuuriyadda Czech. Guryo badan ayaa dumay halka kuwo kale oo bandanna ay korontada ka tagtay.

Fatahaadahan ayaa lagu sheegay kuwi ugu xumaa ee soo mara mandigqadda Bariga Yurub muddo 30 sano ah.