Cumar Filish oo sheegay in Ciidamo gaar ah loo sameeyay la dagaalanka Maandooriyaha.

0
195

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Fislih) ayaa sheegay in dadka kunool magaalada Muqdisho ay ku dhiban yihiin dhalinyaro isticmaasha waxyaabaha Maanka dooriya, kuwaas oo siweyn u isticmaala.

Wuxuu sheegay in dhamaan degmooyinka Gobolka Banaadir laga isticmaalo maandooriyaha noocyadiisa kala duwan oo qaar dibadda laga keeno iyo qaar lagu dhex farsameeyo Gudaha Magaalada Muqdisho, taasi ay dhibaato ku tahay Shacabka.

Duqa Muqdisho waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in la sameeyay Ciidamo gaar ah oo la dagaalama Maandooriyaha, kuwaas oo taliye looga dhigay taliyaha hoggaanka Anshaxa Booliska, isla markaana ay ka howlgeli doonaan sidii loola dagaalami lahaa dadka isticmaala & kuwa ka Ganacsada waxyaabaha maanka dooriya, isaga oo Bulshada ugu baaqay inay ka qeyb qaataan.

Hadalkaan kasoo yeeray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa kusoo beegmaya xilli Magaalada Muqdisho sanadihii la soo dhaafay ay kusoo bateen dadka isticmaalaya waxyaabaha maanka dooriya, iyada oo laamaha Amniga Soomaaliya dhowr jeer ay soo qabteen Agab badan oo maandooriyaha Khamriga & xashiis isugu jiray.