Cristiano Ronaldo oo War Culus Kasoo Saaray Xilliga Uu Kubadda Cagta Ka Fadhiisanayo.

0
169

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xiddiga kooxda Al Nassr, Cristiano Ronaldo, ayaa ku guuleystay abaalmarinta “Prestige Globe”, taas oo lagu sharfay xirfaddiisa cajiibka ah ee ciyaareed, xaflad ay soo qabanqaabisay Ururka Kubadda Cagta Portugal (FPF) oo la qabtay fiidkii Arbacadii.

Kadib markii abaalmarinta la guddoonsiiyay, Ronaldo ayaa yiri:

“Guriga waxaan ku haystaa abaalmarino badan, balse waa inaan qiraa in tan ay tahay mid gaar ah oo qurux badan. Maxaan ka dhihi karaa? Waxaan u maleynayaa in wax walba horay loo sheegay. Runtu waxay tahay, maanta ayaan miiska fadhiistay anigoo is weydiinaya waxa aan ku hadli doono khudbaddan. Waxaan is iri: ‘Waa maxay abaalmarinta Prestige?’ Waxaan ka fikiray in laga yaabo inay tahay mid lagu bixiyo dhamaadka xirfaddeyda ciyaareed, waana yara walaacay. Markaas ayaan is iri, ‘ma aha sidaas.’ Haddana waan eegay micnaheeda, waxaana helay caawimaad yar. Abaalmarintan waa mid sharaf weyn ii ah. Ma u arko inay calaamad u tahay dhamaadka xirfaddeyda, balse waa sii wadidda waxa aan sameeyay intii aan ciyaarayay.”

Ronaldo ayaa sii raaciyay:

“Waxaan u ciyaaray xulka qaranka muddo 22 sano ah, taasna waa caddeyn muujinaysa sida aan u jecelahay inaan xirto funaanadda qaranka, aan u jeclahay inaan guuleysto, oo aan matalo dalkayga. Mar walba waxaan leeyahay: haddii aan awoodo, xulka qaranka oo keliya ayaan u ciyaari lahaa; koox kale ma u ciyaari lahayn, sababtoo ah waa heerka ugu sarreeya ee ciyaaryahan kubadda cagta ah. Taas ayaa ah sababta aan wali halkan ugu jiro. Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan dadka halkan jooga. Waxaan u ciyaaray xulka jiilal kala duwan. Waxaan halkan ku arkaa saaxiibo hore sida Rui, Pepe, Jorge Andrade, Beto, iyo Quaresma… Markaan arko, waxaan is leeyahay: ‘Wali waan joogaa.’ Waan ogahay in laga yaabo inaad iga daashaan inaad igu aragtaan xafladahan!”

Ugu dambeyn, Ronaldo ayaa yiri:

“Wali waxaan dareemayaa in aan wax badan u hayo kubadda cagta iyo xulka qaranka. Waxaan rabaa inaan sii ciyaaro dhowr sano oo kale — ma ahan sanado badan, si daacad ah haddii aan u hadlo. Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan saaxiibadayda, waayo waxaan wax ka bartay dhammaantood, xitaa dhalinyarada cusub ee jiilka hadda. Waa sharaf weyn inaan idinla joogo.”