Coutinho oo dib ugu laabtay horyaalka Premier League

0
227

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xiddiga khadka dhexe reer Brazil ee Philippe Coutinho, ayaa ka tagay kooxda Barcelona.

Kooxda reer England ee Aston Villa ayaa bayaan ay soo dhigtay boggeeda rasmiga ah ee Twitter ku sheegtay in ay Barca kula heshiisay in ay amaah ku siiso Coutinho ilaa dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Philippe Coutinho ayaa wuxuu si wanaagsan u garanayaa tababaraha kooxda Aston Villa ee Steven Gerrard, maadaama ay mudo dhan labo sano iyo bar ay isaga garab ciyaareen naadiga Liverpool, xiddiga reer Brazil ayaa sidoo kale wax badan ka garanaya kooxdiisa cusub.

Philippe Coutinho ayaa Barcelona kaga soo biiray Liverpool aduun dhan 146 million pounds, waxaana uu ku dhibtooday inuu boos ka helo garoonka Camp Nou.

Coutinho ma uusan soo bandhigin tayada ay ka sugeysay kooxda Barcelona, iyada oo uu soo gaaray dhaawacyo badan, tan iyo markii uu u dhaqaaqay kooxda bishii Janaayo 2018.

Kooxda reer Catalonia ayaa hore amaah ku siisay 29 jirka reer Brazil naadiga Bayern Munich xagaagii 2019 wuxuuna dib ugu soo laabatay hal xilli ciyaareed kaddib.